Tags

, , ,

HORDHAC

the-autobiography-of-malcolm-xLabadii sano ee ugu dambeeyey (2014 iyo 2015) mid waliba waxaan ku sagootiyey inaan qoro taxa buugta aan akhriyey iyo sookoobiddooda. Akhristayaasha qaar ayaa waxay su’aal iga soo weydiiyeen sida lagu xusho buugta iyagoo weliba tilmaamay in labada tax ay ku arkeen buug iskugu jira qaybo kala duwan. Qormadani waxay ku xidhiidhsan tahay dhaqankaas labada sano ee hore iyadoo hordhacana aan ku eegi doono su’aasha aad moodo inay soo noqnoqatay.

Su’aashan dadku uma wada gudboona. Dadka qaar in badan ayey buug soo akhrisanayeen oo waxay yeesheen qoraayo ay jecel yihiin, ama maadooyin ay si gaar ah ula socdaan. Qaarkoodna hawl maalmeedkooda ayaanay uga maarmayn in buugta qaar ay ku xushaan. Halka dadka qaar ayna labadaas toona u lahayn, isla markaana ay jacayl guud u qabaan inay akhriskooda xoojiyaan – saw qofba maalin uun ma bilaabin!

Inta ku cusubi inay ka bilaabaan wax ay xiisayn karaan waa arrin maanka ku soo dhici karta. Ugu yaraan, saacadaha dhawrka ah ee loo adkaysanayo buuga waxaad u heli bedel raaxo oo u dhigma. Haddii sheekooyinka male awaalka ah aad xiisayso ama qisooyinka runta ah; haddaad xiisayso taariikhda ama xisaabta; haddaad xiisayso aragtiyaha bulsheed ama fisigiska; in aad iyaga ku bilowdaa waa talo haboon. Weliba iyaga waxaad ka bilaabi kartaa inaad raadiso buugta ugu awran ee la isla aqoonsaday inay wax ku ool yihiin. Ugu yaraan waxay kuu furfuraysaa sheekada, waxayna tilmaan kaa siinaysaa halka aad u jeedsan kartid.

Kuwa hawlmaalmeedku kugu waajibiyeenna iyaguna waa muhiim. Shaqadaada hagaajinteeda waxa jira buug badan oo kaa caawin kara. Haddaad tahay farsamoyaqaan, waxaad helaysaa buug ku saabsan farsamadaada. Haddaad tahay aqoonyahanna, waxaad ka hadlaysaa baahi ka badan kii farsamooyinka kale qaarkood. Waxaad u baahanaysaa waa inaad la socoto aragtiyuhu halkay ku kala abtirsadaan, siday isku leeyihiin ama u kala duwan yihiin, iyo weliba mid waliba halkay ka xagaldaacayso iyo xaggay ka dhisan tahay. Kuma filna inaad taqaan, tusaale ahaan, aasaaska looga baahan yahay qof dhaqaaleyahan ah oo keliya ee waa in sidoo kale aad taqaan goorta iyo goobta ay ku kala cuddoon yihiin aragtiyaha dhaqaale si aad xilkaaga ugu gudato heer ugu sarreeya ee aadmiga u suurtogal ah.

Hawlmaalmeedka aan kor kaga hadlayo waxay isugu jiri karaan shaqada qofku ka soo saarto nololmaalmeedkiisa iyo doorarka kale ee nolosha uu ka qaato. Qofku ma aha dhakhtar keliya, tusaale ahaan, ee isla dhakhtarkaasi waa waalid, ilmaha waalidkii, walaal, xaas, saaxiib, wadani, iwm. Intaas waxa u dheer dhammaanteen inaan nahay addoomada Eebbe oo gudashada xilkeeduna u baahan tahay aqoon gooni u ah iyo tu la falgalaysa gudashada xilalka kale oo dhan.

Dan iyo xiiso kaad u akhriyaysaba, buugta waxaad u kala doorataa waa qoto iyo baaxad. Markaad hoos ugu degto doorarkaaga nolosha mid ka mid ah oo weliba ah mid aad aqoon hore u leedahay, waxa aad korodhsataa waa garawsiga qotada maadadu leedahay. Waxaad barataa sida loo kala saaro jidhiidha iyo budada maadadaas adigoo weynayso u qaadanaya oo u kala baranaya firi-firi. Sidaas darteed waxaad aragtaa wax badan oo aan u muuqan qayrkaaga aan ku hawlanayn qaybtaas aqooneed. Tani waxay kuu suurtogelinaysaa inaad xaliso wax aanay dadka badankiisu xalin karin. Waa faa’iidada ay leedahay in aad ku takhasusto dhinac gaar ah. Takhasus oo dhami waa sii budlinta iyo weynasada oo lagu sii dhaweeyo meel gaar ah – sidaasaanu sharcigu u ahayn takhasus, maadaama uu ballaadhan yahay laakiin waxaad ku takhasusi kartaa xeerka dastuurka, tusaale ahaan.

Laakiin sidaan kor ku sheegnay, doorarka badan ee nolosha aad ka ciyaaraysaa waxay kaaga baahan yihiin inaad aqoontooda yeelato si aad karaankaaga u buuxiso inta kaaga beegan, sidaas darteedna waxaad u akhridaa buugtooda. Markan waxaad rabtaa ma aha in aad xaliso arrin gaar ah, ee waxaad rabtaa in aad aragti guud ka hesho dhinacyadaas ama ugu yaraan aad barato sida aad u gudan kartid xil gaar ahaaneed. Inkastoonad sheekh ahayn, haddana waxaad taqaan sida loo guto xilka kaa saaran salaada iyo soonka, tusaale ahaan. Inkastoonad ku takhasusin xisaabta, haddana waad ku filan tahay adeegsiga afarta xisaabfal. Inkastoonad ahayn taariikhyahan, haddana waxaad ogtahay taariikho badan oo dhaw iyo fogba. Intaba midna kuma tihin qof aqoon dheeraad ah la bido, laakiin waxaad ka taqaan in sees u noqon karta haddii aad damacdo beri in aad sii kordhiso.

Ka sokow dhisitaanka seesas badan oo beri aad wax ka dul dhisi kartid,, faa’iidooyin badan ayey leedahay in aad ballaadhiso baaxadda akhriskaagu. Aadamigu ma aha wax sida curiyeyaasha kimikaad oo kale inta la isugu geeyo la odhanayo hawl noocaas ah uun ha qabto ee waa mid firfircoon oo isku arkaya xaalado nololeed oo aanu ogayn waxa anfici kara iyo waxa kale. Uma qaabayn karno qofka sida tooshka oo kale oo hawsha uu hayaa ay tahay oo keliya inuu ileeyo. Mana aha baahida qofku sida ta tooshka oo kale oo u baahan uun tamarta bitijoorada.

Dhanka kale, waxa jira shaqooyinka qaarkood inay uga baahi badan yihiin qotada baaxad. Tusaale ahaan, maamulka iyo hoggaamintu waa hawlo isu-duwid iyo isu-soojiid. Waa hawlo u baahan in qofka hayaa uu afgaran karo dad badan oo kala xirfado duwan, in uu afkooda kula hadlo isla markaana uu ula jaanqaado si uu uga midho dhaliyo kartidooda iyo aqoontooda qotada dheer ay ugu leeyihiin. Markase qofku aqoon qoto dheer u leeyahay mid ka mid ah kuwa uu maamulayo ama hoggaaminayo, waxa la arkaa inuu xooga saaro meesha kartidiisu ku fiican tahay isla markaana uu lumiyo wixii keeni lahaa guusha oo laga yaabo inay meel kale ku jirto.

Baaxad iyo qoto waxaad u akhrisanaysaba, qaar ka mid ah buugtii aan akhriyey kal hore, waa kuwan:

HALGAN

The Autobiography of Malcolm X as told to Alex Haley; Che Guevera: A Revolutionary Life by Jon Lee Anderson; The Wretched of The Earth by Frantz Fanon; Summer Meditations by Vaclav Havel; A Letter to A Hindu by Leo Tolstoy

Markii ugu horreysay ee aan si macno leh wax uga korodhsaday noloshii Maalkom Eges waxay ahayd markaan ardayga ka ahaa Jaamacadda Camuud. Wakhtigaas waxaan la kulmay buug ay ku qoran tahay qayb laga soo jeemay buugiisan. Qormo kooban (halkan ka akhri) ayaan kula wadaagay qalinjebintaydii ardaydii kale wargeys markaa ahaan ay soo saari jireen ardayda Jaamacaddu. In badan oo aan ku taamayey in aan akhristo buugiisan, kalkan ayey ii suurtogashay. Waxa ugu weyn ee laga dheefi karo noloshiisa waa sida joogtada ah ee uu noloshiisa u imtixaamay, isuguna dayey inuu runta ku dhawaado, u cariyey naftiisa xataa markay ku adkayd inuu jihadiisa bedelo. Wuxuu ahaa nin halganka uu kula jirey midab takoorkii Maraykanka in le’eg kula jirey naftiisa.

Jee Gafaara oo isaguna ahaa halyey dhalasho ahaan reer Arjantiin ah laakiin ku suntan la dagaalanka imbiraadooriyadda, si gaar ahna uga hawlgalay qaaradaha Maraykanka Koonfureed iyo Afrika, waa nolol aan ka yaraysan ta Maalkom. Wuxuu ka dagaalamay dalalka Kuuba, Koongo iyo Booliifiya isagoo intaba u arkayey in xoogag shisheeye, gaar ahaan Maraykanku, dabada ka wado kuwo sokeeye oo isla dalkooda u dhiigmiira kuwaa shisheeye.

Halka labadaasi ka yihiin noloshii iyo waayihii ay halgamayaashaasi soo mareen, buuga Faanon waa buug aragtiyeed ku wajahan sida ay isu ceshadaan xoogagga dulmiga iyo dulmanuhu. Inkastoo Faanon laftiisu qayb ka ahaa halgankii Aljeeriya, walow aanu dhalasho ahaan kasoo jeedin, haddana waa buug ku cukan aragtiyaha dirirta dulmanaha iyo sida uu dulmigu isugu dayo inuu ugu magacdilo dirirtaas isagoo u bixinaya “argagixiso” iyo ereyo la mid ah.

Faaglaaf halgankiisu wuu ka duwanaa saddexda kor aan ku xusnayba, haddana sida halganada dunidu isugu eg yihiin ayuu ugu ekaa. Buuganise halgankiisa ka hadli maayo. Waase shawrar siyaasadeed oo uu kula legdamayo halka la furayo siyaasadda dalkiisa Juguslafaakiya, oo markii dambe gooni ugu noqday Jeeg, kadib markii ay ka baxeen xayndaabkii Soofiyatka. Waa xilli kala guur oo Faaglaaf ku qiimaynayo wixii uu la soo halgamayey intii uu ka baxsanaa siyaasadda, intii uu madaxweynaha ahaa iyo weliba waxa la gudboon xilligan oo ay u muuqatay in uuna kaga bogan doorkii koowaad ee xilkiisa isla markaana ay jirto masuuliyado uu u baahan yahay inaanu ka baxsan. Waa legdanka kala soocidda xukun-jacaylka iyo xil-gudashada waxa qiimaha u yeelaya buugani.

Inkastoo uu yahay buuga ugu kooban ee qaybtan, haddana Warqadda ku Socota Hinduugu ma aha buuga ugu miisaan yar. Toolistooy wuxuu ku eegayaa mabaadii’da aasaasiga iyo xoriyadaha aadmigu leeyahay isagoo aad u soo xiganaya inta badan nasaska diinta Hinduuga. Toolistooy wuxuu u muujinayaa Gaandhi in xalka uu raadinayo uu ku jiro isla diinta uu aaminsan yahay iyo in addoonsi jiri karin haddaan addoonku keenada keenin. Toolistooy, ka sokow warqaddan iyo suugaantiisa ballaadhan, wuxuu ku yeeshay saamayn laxaad leh halgankii Gaandhi, gaar ahaan buuggiisa kale ee “The Kingdom of God Is Within You,” oo uu Gaandhi ku tilmaamay buugta ugu saamayn badnaa naftiisa.

KOBOC

Bhagavad GitaThe Book of Five Rings by Miyamoto Musashi; On Managing Yourself: HBR’s Ten Must Reads

Hormadan buugta ah waxa ka dhexeeya waa koboca nafsadeed iyo ruuxeed ay kugu beerayaan. Giituhu (Gita) oo loo soo gaabsado buuga koowaad waa buug ka mid nusuusta diinta Hinduuga. Hinduugu, diin ahaan, waxay ka mid tahay kuwa ugu faca weyn diimaha dunida laga haysto. Buugani wuxuu ka sheekaynayaa hadal dhexmartay Arjuna oo ay u aaminsan yihiin inuu ahaa addoon wanaagsan iyo Kirishna (Krishna) oo ay u aaminsan yihiin inuu ahaa ilaah. Intaan dagaalku bilaabmin, Arjuna wuxuu ku tuurayaa seeftiisa dhulka isagoo diidan inuu dagaal la galo dadkii uu jacayl iyo karaamadaba u hayey. Kirishna wuxuu tusayaa in hawsha Arjuna u taal uu kasoo baxo, oo dagaalka galo. Wuxuu la wadaagayaa murti farabadan. Inkastoo akhriska buugan qofku ku dhammayn karo hal fadhi, mase aha wax murtidiisu u kooban tahay sida akhriskiisa.

Musashi wuxuu ahaa dagaalyahan Jabaaniis ah oo la holin waayey. Dabadeed wuxuu sirtii dagaalkiisa kusoo koobay buugan. Waa buug la nooc ah ka kale ee Saan Suu (Sun Tzu) ee loo yaqaan “The Art of War”. Ta ugu muhiimsan ee labadan buug ku kala duwan yihiin waa iyadoo Saan Suu maanka ku hayo had iyo jeer ciidan ballaadhan, halka Musashi xooga ka saarayo qofka. Aragtiyihiisa ugu cuddoon ee buugga ku jira waxa ka mid ah aragtida “void” oo ah madhnaan: waa aragti qofku iska faaruqinayo eexda, jeclaysiga, necbaysiga iwm taasoo u suurtogelinaysa inuu xaaladba sideeda ku qaabilo.

Xagga buuga Musashi ka faa’iideynayo khibradiisii dagaalyahannimo, buugan ugu dambeeya qaybtani waa urur qormooyin ah oo buuniyada dugsiyada ganacsigu ku eegayaan sida casharada laga korodhsaday ganacsigu ugu dabaqmayaan koboca shaqsiyadeed. Waa qormooyin marar kala duwan ku soo baxay wargeyska caanka ah ee Harvard Business Review. Buugani waa mid aad uga duwan kuwa ku abtirsada koboca shaqsiyadeed maadaama uu ka faa’iideynayo waayo-aragnimo loo shiiley si la mida ta laga dhaxlo aqoonta horumarinta ganacsiga. Lidka qaar badan oo kale, ma aha buug niyadda uun kuu dhisa oo kaa duuliya waaqicaaga. Waa buug ay ka muuqdaan tallaabooyin badan oo si caqli gal ah loo qaadi karo iyo mabaadii’ qaabeeya aragtidaada.

SUUGAAN

How To Read Literature Like A Professor by Thomas Foster; Moby Dick by Herman Melville; Stories from Tagore by Rabindranath Tagore; Invisible Cities by Italo Calvino; The Sirens of Baghdad by Yasmina Khadra

Akhriskayga suugaanta, gaar ahaan buugta sheekooyinka male awaalka ah, waxa wax badan ku kordhiyey buugan ka hadlaysa sida loo akhriyo ee Fooster. Wuxuu ku barayaa tabo badan oo ay adeegsadaan dadka sheekooyinkaas qoraayi, isagoo ku tusaya sida micnaha dhawi kuugu xawilo ka fog. Waana qaybtan oo dhan ka iiga dhigey wax leh macno ka badan kaan ka heli lahaa la’aantii ama haddaanan sidayda kaleba u arag tabahaas.

Sheekada Moobi Dhik waa sheeko uu werinayo Ismaaciil oo ku saabsan duulaanka ee Kabtan Ahaab ugu jiro inuu kasoo aarguto nibiriga Moobi Dhik. Waa sheekooyinka suugaaneed ee ugu caansan dunida galbeedka, gaar ahaan kuwa Maraykanka. Waa sheeko qurux iyo qaayo isku darsatay. Haddiise aanad jaro aqoon sheekooyinka male awaalka, waa mid ku adkaan karta inaad hesho murtida iyo hadalada duurxulka ah ee ka buuxa sheekada.

Tagoore waa qoraagii koowaad ee aan ahayn reer Yurub ee qaata Abaalmarinta Noobeel. Waxa ka buuxa buugiisan sheekooyin gaagaaban oo quruxda iyo ashqaraar isku darsaday. Waa sheekooyin ay adag tahay inaad saadaaliso siday ku dhammaanayaan. Waa sheekooyin ay ka muuqdaan naxariis xad dhaaf ah, aqbalaad badan iyo mooganaanta aadmigu siday u bado jidad qaloocan.

Sida ka muuqata magaca buuga, Magaalooyin aan Muuqan, waa sheeko male awaal ah oo dhex maraysa laba shaqsiyadood oo taariikheed: Maarko Boolo iyo Kublay Khaan. Waa Marko Boolo oo uga waramaya Kublay Khaan dhulkii uu soo maray. Inkastoo run ahaan labadan shaqsiyadood u kulmeen taariikh ahaan, laakiin sheekadani waa male awaal. Waa sharax uu ka bixinayo magaalooyin aan jirin. Markaad hoos u sii eegto waxaad arkaysaa sharaxani inuu yahay mid uu ka bixinayo dabeecada iyo nolosha aadamaha isagoo adeegsanaya magacyada magaalooyinkaas aan jirin.

Buugan ugu dambeeya, Yaasmina Khadraa wuxuu ku muujinayaa sida hayaanadda iyo sharafridku qofka ugu ajburiso xagjirnimo. Waa buug u ah tusaale wacan sida ay u adag tahay in laga soo kabto sharafdhac, halka khasaare kasta oo kale qofku soo bedan karo. Waa Ciraaq. Waa qabsashadii Maraykan. Waa bahdil…

SOOYAAL

Sapiens: A Brief History of Humankind by Yuval Noah Harari; A Short History of Progress by Roland Wright; The Origins of Political Order by Francis Fukuyama; Political Order and Political Decay by Francis Fukuyama

Inta badan taariikhyahanadu waxay isku dayaan inay sharxaan siday u dhacday dhacdo gooni ahi ama jawi gooni ah loo galay. Yuufaal wuu ka ballaadhan yahay kuwaasi. Wuxuu si guud u eegayaa taariikhda aadamaha bilow ilaa hadda. Sidaas darteed, waxaad kula kulmaysaa aragtiyaha ay ka mid yihiin tadawirka aadmiga “evolution” ilaa barashadii dabka, afka iyo qoraalka. Waxaad kasoo gaadhaysaa maanta oo la isku dayayo in kaydka hidde ee dadka wax lagu kordhiyo ama laga dhimo si la mid sida kuwa noolaha kale loo farafarayn karaba.

Raayd sidoo kale ayuu isugu dayayaa inuu muujiyo xariiqa horumareed ee aadmigu soo maray. Halka buugga hore ka yahay daraasad ballaadhan, kan dambe waa hal khudbad oo uu qoraagu jeediyey, sidaas darteedna aad ayuu uga kooban yahay kan hore.

Halka labada buug ee hore jinsi ahaan u eegayeen horumarka aadmigu soo samaynayeen taariikhda, labada buug ee dambe waxay eegayaan horumarka dawladeed ama dheh qaabka maamul ee ay aadmigu soo mareen ugu yaraan kumanaankii sanno ee ugu dambeeyey. Fukuyaama wuxuu muujinayaa sida dawladaha dunida soo maray ugu dhisan yihiin tiirar kala ah xukuumad, xeer, iyo xisaabtan (state, rule of law, and accountability). Sida uu ku doodayo Fakuyaama, waa dheelitirka saddexdaas waxa aasaaska u dhigaya xasiloonida dawladnimada dal. Waxase xiisaheeda leh sida uu usoo bandhigayo jidadka dawladaha adduunku usoo kala mareen gaadhitaanka dheelitirkaas iyo sida saddexdani tiir laftoodu isu cabudhiyaan.

 

AFRIKA

When Victims Become Killers by Mahmood Mamdani; The Africans by David Lamb; The Lonely African by Colin M. Turnbull; Half A Yellow Sun by Chimamanda Adichie

Maxamuud Mamdani wuxuu ina tusayaa sida taariikhda colaadeed ee Huutuuga iyo Tuutsigu isugu milan tahay dile dhibane ahaa iyo dhibane dile ahaa. Wuxuu ina tusayaa sida taariikhdaasi ugu tolan tahay tii gumaysiga iyo ka horba, isla markaana ay uga sii dartay xuduudaha gumaysigu dhigay ee aan ka turjumayn duruufta dhabta ah ee Afrika. Bu’da buuga wuxuu ku muujinayaa sida dagaalkani u ahayn nacayb qabiilada Afrika isku qabaan ee uu u yahay dagaal ka oogan su’aasha: Yaa wadanka leh yaase yimid? Su’aashaas wuxuu ku sheegayaa inay tahay in siyaabo badan looga kala jawaabay taariikh ahaan dalalka Ruwaanda, Burundi, Koongo iyo Yugaandha marar kala duwan.

Labada buug ee xiga waa kuwo qaaradda si guud uga wada sheekaynaya. Halka buuga hore, oo uu qoray weriye Laamb, uu isugu jiro taariikh iyo suugaan dalmareen, waxa ka dambe ee Teenbul qoray ka hadalayaa waa sida Afrika ugu meehanawsan tahay casriga cusub ee ay daf uun soo tidhi ama iyadaba ku soo yidhi. Sida laga fili karo weriye kasta, ka hore waxa uu ka buuxiyey dhacdooyin taariikheed oo lixdankii ka dhacayey qaaradda. Hase yeeshee Teenbul, si waafaqsan shaqadiisa antroboolajiyadeed “anthropology,” wuxuu ku nuuxnuusanayaa sida nolosha dadka Afrikaanka ah iyo nolosha casriga ee magaalaysani isku seegan yihiin. Sidaa darteed, kan Teenbul waxa ka buuxa sheekooyin aan lagu qori karin wargeysyada laakiin isagu uu u bandhigayo sida ay u muujinayaan nolosha dhabta ah ee dadka, taas oo ka fog inta dareemayaasha warbaahintu qabtaan.

Buugan Adijii haddaad isweydiinayso waxa loogu dari waayey suugaanta ee halkan lagala soo doonay, waa mid jawaabteedu fududahay. Buugu waa mid dhacdo taariikheed si male awaal ah u dhigaya isla markaana muujinaya waxa ka shisheeya inta ay ka waramaan inta warka gudbisaa. Waa dagaaladii Biyaafra iyo siday nolosha reer Nayjeeriya, gaar ahaan qabiilka la yidhaa Iibo (Igbo), u saameeyeen. Way dhici kartaa inaanad ku raacin dareenka ay tebinayso Adijii, laakiin inay ka hadlayso dhacdooyin saamayn badan waa wax la malaysan karo.

MACNAYN

Orientalism by Edward Said; Istanbul by Orhan Pamuk

Buuga hore waa mid ka mid ah buugta dunida ugu caansan, ugu yaraanna inta Edhwadh Saciid qoray waa ka ugu caansan. Waa buug uu ku muujinayo sida dunida galbeedku, iyagoo ka war haya ama haynba, ula wareegeen macnayntii iyo qiimayntii dunida bariga oo dhan, sidaas darteedna ugu duleeyeen siday la rabeen. Wuxuu muujinayaa siday isla weynidaasi uga dhex muuqato qoraalada, farshaxan iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada kaga soo bilow kuwii ugu horeeyey ee bariga wax ka qoray ilaa kuwa maanta oo u adeegsanaya farsamooyinkoodii iyo siday wax u arkayeen sidii ay yihiin dhab saynis ahaan lagu sugay. Buugta ay kala leeyihiin Mamdaani, Laamb, Teenbul, iyo Faanon laftoodu wax badan ayey la wadaagaan qaybtan in kastoo ayna nuxurkoodu halkan ahayn.

Bamuug waa qofkii ugu horreeyey ee Turki ah ee qaata Abaalmarinta Noobeelta. Kani waa taariikh nololeedkiisa oo uu ku sidkay taariikhda magaalada uu ku barbaaray ee Istaanbuul. Waa buug ka duwan buugta sooyaalka shaqsiga ahi ku qoran tahay isagoo adeegsanaya farsamooyin suugaaneed si uu u gudbiyo noloshiisii carruurnimo siday u ekayd. Buuga waxa ka wada muuqda si is le’eg waa hüzün (murugo) iyo rajada carruurnimo. Waa murugo xadaaradeed oo ay Istaanbuul dhaxashay iyo rajo horumareed oo maanta taagan. In badan oo ay ahayd Istaanbuul meel ay galbeedku ka maadaystaan iyo qoraaga oo aad ugu dhego nugul arrinkaas, isla markaasna u arka in wanaag iyo xumaan ku wada jiraan isla dhaxalkaas maadaysi darteed, ayaan ugu doortay in waaxdan lagu daro. Haddii buuga Saciid ahaa mid aragti ahaan u sharxaya, ka Bamuug waa mid nolol ahaan u muujinaya labada weji ee isla aragtidaas Saciid.

GEBOGEBO

Kor waxaan ku soo sheegay in danta laga leeyahay akhrisku keento sababta aad u kala dooranayso buugta oo inta badan ku qotonta laba uun: baaxad iyo qoto. Qotadu waa waxaad taqaanay oo aad hoos ugu sii degayso iyo  baxaadda oo ah wax kugu cusub oo aragti guud aad ka helanayso. Laakiin isla taas ayaa lagu eegi karaa hal buug. Mar danta aad buuga ka leedahay waa inaad faham guud ka qaadato, marna dantaadu waa in aad si qoto dheer aad buugaas u baratid. Buugta qaar aan halkan ku sheegayo waxa laga qoray buug fara badan, si loo sharxo uun macnahooda. Inaad qotadooda hoos ugu degto iyo baaxaaddooda jibaaxdo waxay ku kala xidhan tahay kolba waxaad ka rabto – taas oo aniga iyo cid kale toona akhristaha u go’aamin karayn.