Tags

, , , ,

“Buugta qaar waa in la dhadhamiyo, qaarna waa in la liqo, in yar oo koobanna waa in la calaliyo oo la dheefshiido; taas oo ka dhigan in buugta qaar qaybo uun laga akhriyo, kuwana si aan fiiro badan lahayn loo akhriyo halka in yar oo kooban gebigoodaba si foogan oo maddaalenimo ah loo akhrinayo.” Aqoonta, wq Faraansis Baykan

Bilowgii sanadkan hadda dhammaaday ayaan dadka la wadaagay qormo kooban oo ku saabsan qaar ka mid ah buugtii aan akhriyey sanadkii 2014ka. Ujeedadu waxay ahayd dhiirigelinta akhriska iyo tilmaamista qaar ka mid ah buugta qiimaha  leh.

Waxa se akhristuhu iska weydiin karayey sababta buug badankoodu ku qoran yihiin af qalaad looga bixinayo hordhac af Soomaali ah – miyaan la isla waayeyn tilmaanta iyo faa’iidadii tilmaanta? Waa gar, daw se ma aha.  Qormooyinkan oo kale waxa ay furayaan in aan buugta kaga sheekaysano afkeena, inteena labada afka ku hadashana ay u noqoto tilmaan. Kuwa se aan ku hadal af Ingiriis, waxay u ahayd in ugu yaraan ay ku ogaadaan jiritaanka buugtaas si ay afafka kale ee qaarkood ay yaqaanaan ugu raadsadaan. Ciddii se aan af labaad aqoon, waxa ay sugaysaa inta loo turjumayo.

Afku waa weelka wacyiga iyo aqoonta umadeed iyo aadame ba. Afkii aad barataba wax baa kaaga kordhaya ka badan macnaha ereyo iyo dhisme weedho macno leh. Waa albaabka garaadka, aqoonta iyo dhaqanka umadda (taada iyo tu kale ba). Waxase korodhsiimadu ugu badan tahay marka afka cusub ka dhaqan iyo xadaarad duwan yahay kii aad hore u taqaanay. Inkasta oo aan la dafiri karin in barashada af Ingiriis iyo Jarmal, tusaale ahaan, ay wax badan ku kordhin karaan aqoontaada, waxase ka korodhsi badan in aad baratid af Ingiriis iyo af Hindi. Kala duwanaanshaha labada xadaaradood ayaa waxay kuu suurtogelinayaan furashada labada hide iyo aqoon ee ku kala kaydsan labada af – halka barashada labada af ee reer Yurub ay kugu ekaysiinayso uun dhaxalkii reer Yurub.

Ma hubo meel ay ahayd, hore ayaan u akhristay in indheergaradka reer galbeed ee maanta nooli u baahan yahay in uu si qoto dheer u yaqaan afkiisa iyo aqoon durugsan oo uu u yeesho afka Giriiga ama Laatiinka midkood haddii aanay labadaba ahayn. Halka afkiisa maanta uu kala soconayo aqoonta casriga ah isla markaana uu kula xidhiidhayo bulshada iyo aqoonyahanka kale ba, labadaas af ee kale waxay u suurtogelinayaan in uu furto nusuustii xadaaradda reer galbeedka oo uu si madaxbannaan u derso, rogrogo, isla markaasna sharaxiisa kala soo baxo, kaas oo mararka qaar ka duwanaan kara sharaxyadii qarniyadii tegay oo dhan laga soo bixin jirey.

Si la mid ah sidaas oo kale ayuu indheergaradka Soomaaliyeed ugu baahan yahay afkiisa oo uu ku xeeldheerado iyo ugu yaraan laba af oo kale: mid uu kula socda aqoonta casriga iyo mid uu kula socdo aqoontii diimeed iyo taariikheed ee umaddan. Afka hore wuxuu noqon karaa mid kasta oo ka mid ah afafka hormuudka ka ah maanta waxsoosaarka aqooneed ee dunida halka afka labaad marwalba ka yahay Carabi. Saddexdaas af waxay u dhisayaan indheergaradka Soomaaliyeed saddex tiir oo uu ku taago aragtidiisa: mid dhaqan, diimeed iyo saynis ba. U fiirso in aanan marnaba cayimin aqoonta casriga ah afka lagu raadsanayo. Halka afar qarni ka hor ay ka ahayd Carabi, maanta waxaa shamaca u shida dalal reer galbeed ah. Sidaas darteed, kolba waxa muhiim ah afka ama afafka irmaan wakhtiga la joogo.

Diintu, tusaale ahaan, waa qayb joogto ka ah nolosheena la’aanteedna qofka Soomaaliyeed aan meel quman laga gelin karin qulqulatada nolosha. Saldhiga diintuna, Quraanka iyo Xadiisku, waa hagayaal u baahan caqli iyo faham kor ugu socda si joogto ah goor kasta iyo goob kastaba. Furuhuna waa af Carabi. Dr. Laale Bakhtiyaar oo u turjuntay Quraanka af Ingiriisi waxay ku turjuntay Aayadda 34aad ee Suuradda Al-Nisaa in haweenka laga tego. Waxay baalmartay turjumaad soo taagnayd in badan oo dhigaysay in la garaaco. Doodeeda waxa qayb ka ah in ereyga (ضرب) uu labada macnaba (garaacis iyo tegis ama socod) leeyahay iyaduna ay dooratay kii sunnaha lagu arkay. Doodaas lafteeda markaan culimada u deyno, waxa cad sida aqoonta durugsan ee afku u keenayso faham cusub iyadoo ayna isbedelin nusuustii.  Ugu yaraan, dhaliilaha loo jeediyey haweenaydaas, intaan ka maqlayey, kuma jiraan in ereygaasi macnahaas labaad samaynaynin.

Tani kama dhigna in haddii qofku aanu aqoon durugsan u lahayn diinta iyo sayniska in aanu noqonayn qof indheergarad ah. Aadamuhu ma haysto kartida lagaga horjoogsado waxa Eebbe u qoondeeyey addoomihiisa qaarkood. Waxa keliya ee ay inaga tarayaan kuwani waa in, sida dugsiyada, aan u qaadano marino ka mid ah kuwa ugu qeexan ee qofku u mari karo kobcinta garaadkiisa. Wixii Eebbe ku siinayo, wax aadame wadwado waxna ka dhimi maayaan waxna ku kordhin maayaan.

Tog ba taagii buu rogmadaaye, waa kuwan qaar ka mid ah buugtii i soo marey kal hore:

  • Discourse on the Method of Rightly Conducting Reason, and Seeking Truth in the Science by Rene Descartes:
    • Reenee wuxuu ahaa nin Faransiis ah oo xisaabta ku xeel dheer, faylasuuf ah haddana saynisyahan ah. Wuxuu halkan isku dayayaa in uu qaabeeyo dariiqada uu kuu raadgoobayo xogta sayniska iyo aqoontaba guud ahaan. Waa buug kooban oo sii koobistiisu adag tahay. Waa buug u haboon dadka raba inay baadhaan waxa cilmi la odhan karo iyo sida lagu heli karo (epistemology). Halkan waxaad kula kulmaysaa odhaahdiisii caanka noqotay “Waan fikiraa, sidaas darteedna waan jiraa.” (“I think, therefore I am.”)
  • Muhammad: A Prophet of Our Times by Karen ArmstrongThe First Muslim: The Story of Muhammad by Lesley Hazleton:
    • Ma gafo fursad kasta oo aan u helo cid wax ka qortay Suubanow Maxamed (NNKH). Qof kastana wax uun baa iiga kordha, haba noqdo qof aan rumaysnayn dhambaalkiisii ama jiritaanka Eebbe. Tusaale ahaan, waxyaabaha iiga kordhay Kaaren (oo ah Masiixiyad Ingiriis ah) buuggeeda waxa ka mid ah in jahligu aanu ahayn war la’aan ee uu yahay ismoogsiinta. Wax kale oo ay la’aayeenba, Abu Jahal, Waliid Binu Muqiira iyo odayadii Qureesheed, war kuma seeganayn waxa Maxamed (NNKH) ugu yeedhayey. Ismoogsiisku, ama diidmada qayaxani marka runtu kuu caddaato, ayaa jahliga ugu weyni yahay.
    • Dhanka kale, Lesli oo qortay buugga labaad waa gabadh Yuhuudiyad reer Maraykan ah oo aaminsan in jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe midna la garan karin. Buugeeda waxay isku dayeysaa bal in ay sawirto Rasuulka (NNKH) oo ah qof caadi ah, kuna qiimayso fallaadkiisii inta caqligu garan karo. Waxa aan ka korodhsaday sida aanay suurtagal u ahayn in loo qiimeeyo Rasuulka (NNKH) iyadoon meesha lagu darin dhambaalkii uu waday ama loo qiimeeyo dhambaalka iyadoon meesha lagu darin Rasuulku (NNKH) siduu uu dhambaalkaas ula falgalay. Sidoo kalena, waxa kuu soo baxaya qof na in aan badh laga tegi karin marka la saarayo miisaanka taariikheed.
  • An Autobiography: The Story of My Experiments with Truth by Mahatma GandhiLeo Tolstoy: A Russian Life by Rosemund Bartletaat:
    • Aan qirtee, buugan Gaandhi hore ayaan u akhriyey – malaha muddo ka badan toban sano ka hor. Haddana wuu igu cusboonaaday. Wacyi iyo kasmada isbedelaysa wax kaga dar. Gaandhi wuxuu buugiisan ku soo bandhigayaa sidii uu iskugu dayey in noloshiisa iyo ta bulshadiisu ugu durki lahayd runta iyo tallaabooyinkii uu qaaday. Waxaad ku arkaysaa buugan sida ku duruga runtu laxaw ugu wada hayey la haystaha iyo haystaha ba, ka runta raadcaynaya iyo ka ka rooraraya ba. Gaandhi ma ahayn qof akhris badan. Wuxuuse ahaa qof ka dhabaynta wuxuu garto ku weyn tahay. Markiise uu akhristay mid ka mid ah qoraaladdii Toolistoy ee cuddoonaa (waa kiisii The Kingdom of God Is Within You) ayuu bilaabay in uu la xidhiidho Toolistoy.
    • Toolistoy wuxuu ahaa qamaamuurtii suugaanta, gaar ahaan sheekooyinka, qoray buugta aan kala dhicin ee Col iyo Nabad (War and Peace), Aana Karaniina (Anne Karanina), iyo kuwo kale oo badan. Rooseman waxay isku dayeysaa in nolosha shaqsiyadaas kugu daawadsiiso muraayado meelkasta aad kaga aragto – oo si isle’eg ah kugu wada tusa noloshiisii qoraal, saaxiibtinimo, qoyskiisii iyo dadkii badnaa ee kula noolaa Yasyana Polyana (Ruushka). Toolistoy waa shaqisyadii laga soo weriyey in qoraagii kale ee caanka ahaa ee isaguna Ruushka ahaa, Aantoon Sheekhoof (Anton Chekhov), uu ka yidhi, “Inta suugaantu haysato Toolistoy, way haboon tahay in qoraa la ahaado.”
  • Hal Ka Haleel wq Maxamed Baashe X. XasanGorfayntii Silsiladdii Deelley wq Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd); Gaajo Gobanimo Leh wq Cumar Maxamed:
    • Hore ayaan u gorfeeyey Hal Ka Haleel.  Gorfaynta Deelley se waa dedaal ka yimid isbarbar dhig iyo lafagur uu qoraagu ku sameeyey labada buug ee kala ah: Diiwaanka Maansadii Deelley wq Axmed Faarax Cali “Idaajaa” iyo Deelleey: Saadaal Rumowday wq Boobe Yuusuf Ducaale. Halka xiisaha gaarka ahi ku jiraayi waa sida qoraagu ugu kala gooshayo buugtaas iyo waayihii yaalay dalka iyo su’aalaha maankiisa ku jira ee hullooyinka bannaan faydfaydaya. Qalays waxa kuu noqon kara hordhaca qoraagu ka bixiyey iyo faalada Faarax Maxamed. Mar se haddii aanan buugtaas kale akhrin intaydu halkan way kooban tahay.
    • Buuga Gaajo Gobanimo Leh, waa kii ugu xiiso badnaa inta buug sheekoxariir ku qoran afkeena aan ka akhriyey. Waa sheeko laba dameer oo ninkii lahaa cadaabay dabadeedna ay ku tashadeen in ay duurka xulaan. Duurkii markay galeen ayey abaari ku dhufatay. Midkood ayaa ku noqday ciqaabtii ninkii, halka kii kale ka adkaystay abaartii. Beri dambe oo dameerkii noqday si ka sii daran loo ciqaabay ayuu kii duurka ku jirey fakiyey. Labadiina sidii ku midoobeen mar labaad. Dameeradii waxay sheekadu sheegaysaa inay noqdeen mar dambe biciid.
  • Getting Somalia Wrong? Faith, War and Hope in a Shattered State by Mary Harper; Warriors: Life and Death Among Somalis by Gerald HanleyThe Prophet’s Camel Bell by Margaret LawrenceThe African Equation by Yasmina Khadra:
    • Maari waa gabadh weriye ka ah BBC-da. Waxay ku doodaysaa in markasta si qaldan loo fahmo arrimaha Soomaaliya. Waxa tusaale ka dhiganaysaa sida beesha caalamku u hagaajin kari la’dahay Dawladda Soomaaliya iyo sida dedaalada dadka deegaanku bilaabaan, sida Soomaalilaan, ay uga guul badan yihiin kuwa dibeda laga wadwado.
    • Labada buug ee xiga waa kuwo laga qoray intii Ingiriisku joogay dalka. Halka Jeeral uu ka qoray waqooyi bari iyo koonfurta Soomaaliya, waxa ay Maargareed ka qortay Soomaalilaan. Halka Jeeral ka yahay askari, Maargareed waa oori la joogta ninkeedii oo injineer ka ah ballayadii Ingiriisku u qodayey dadka. Waxa la yaab leh labadooduba in aanay ku qanacsanayn nidaamkii Ingiriiska. Halkaas waxa kaaga soo baxaya sida ay isku qaban waayayaan wixii laabtoodu qurux muhanaysay iyo waayihii ay u yimaadeen ee xaqiiqda dhabta ahi ka dhigtay haysteyaal, xataa haddii aanay rabin.
    • Waxase aad kaga nasan kartaa buuga Yaasmiina. Horta qoraagu waa nin. Magaciisa dhabta ahi waa Maxamed Muulsaxuul. Waa qoraa Aljeeriya ka soo jeeda oo magaciisa ugu bedelay kii xaaskiisa kadib markii loo ogolaan waayey in isagoo ciidanka ka tirsan uu alifo sheekooyin. Buugiisan wuxuu kaga sheekaynayaa dhakhtar Jarmal ah oo geerida xaaskiisa ka tiiraanyeysan oo budhcad badeed Soomaaliyeed afduubayaan. Waxa dhakhtarkii soo maraya wacdaro iyo belaayo ka tirtirta wixii maankiisu awal la ciirciirayey murugo, ugu na bedesha cabsi, tollow maad noolaan. Waa se sheeko qurux badan oo wadata ereyo qurux badan. Kuwa ugu qurux badan waxa ka mid ah: “Halkaad ku dhalatay saw galbeedka ma ahayn? Ayaan baad leedahay. Hadda ayaad dib ugu dhalan Afrika waxaanad garan taas macnaheeda.”
  • The Crisis of Islamic Civilization by Ali A. AllawiTablet and Pen: The Literary Landscape from Modern Middle East by Reza Aslan:
    • Cali wuxuu qoray buug mug weyn. Meelaha ay ku shilmaan kuwa wax ka qora Muslimiinta iyo Islaamku waxa ugu badan u aanaynta dib-u-dhaca diinta lafteeda. Cali wuxuu si qumaati ah inoo tusayaa sida ayna taasi u jirin ee ay u haboon tahay in loo arko diin iyadu joogto ah iyo xadaarad socota. Wuxuu hoos ugu degayaa xadaaraddii Muslimiintu hoggaanka u hayeen iyo waxa maanta iska bedelay. Mid ka mid ah arrimaha ugu cajabta badan ee uu soo bandhigayo waa sida kudayashada ama diidmada indhaha la’ ee loogu eego arrimaha ka soo bilaabma wadamada reer galbeedka. Tusaale ahaan, wuxuu ka hadlayaa in aragtiyaha xuquuqda ee Islaamiga ahi in ay ku qotomaan cid lagu leeyahay, ama waajib ka saaran yahay. Xaq kasta waa qof kale waajibkii (duty). Kala duwanaantaas asaasiga ah, ayuu qoraagu muujinayaa, sida ay u keenayso aragtiyo kala duwan oo kale.
    • Haddii taasi ahayd xadaaraddii Islaamka iyo mashaqada maanta ka taagan, bal eeg hadda waxa ka taagan Bariga Dhexe. Reesa Aslan wuxuu buugiisan ku soo bandhigayaa qoraaladii iyo gabayadii ay ku curiyeen suugaanyahanadu afar ka mid ah afafka Bariga Dhexe lagaga hadlo: Carabi, Turki, Faarisi, iyo Urduu oo intuba ah Muslimiin. Waxaad la kulmaysaa qoraalo teedsan hal qarni oo ay ka tageen qamaamuurtaas Bariga Dhexe ee ay ka mid yihiin:
      • Carabi: Khalil Gibran (The Future of Arabic Language, مستقبل اللغة العربية), Yahya Haqqi (The First Lesson), Tawfiq Al-Xakim (Diary of a Country Prosecutor), Ghasan Kanafaani (Letter from Gaza, ورقة من غزة), Maxamuud Darwiish (Identity Card, Athens Airport),Yusuf Idris (The Aorta), Naguib Mahfouz (The Seventh Heaven);
      • Turki: Nasim Hikmet (I Love My Country), Rafik Halit Karay (The Gray Donkey), Yasar Kemal (Memed, My Hawk), Ahmet Hamdi Tanpinar (A Mind at Peace), Orhan Pamuk (The Black Book);
      • Faarisi: Sadegh Hedayat (The Blind Owl), Parvin E’Tesami (Iranian Women, A Woman’s Place), Sadeq Chubak (The Baboon Whose Buffoon Was Dead), Jalal Al-E Ahmad (Gharbzadegi);
      • Urduu: Muhammad Iqbal (The Houri and the Poet, Heaven and the Priest, God’s Command to the Angels), Sa’adat Hasan Manto (For Freedom’s Sake), Intizaar Hussein (The First Morning), Abdullahi Hussein (The Refugees).
    • Iyo qaar kaloo badan, iyo qaar kaloo badan…
  • The World Until Yesterday: What Can We Learn from Traditional Societies? by Jared DiamondDavid and Goliath: Underdogs, Misfits and The Art of Battling of Giants by Malcolm Gladwell:
    • Buuga Jeeridh waa kii ugu dambeeyey ee sannadka intii aan akhrinayey. Welina wax baa iiga dhiman. Waa buug ka hadlaya sida dhaqanka beeluhu ku yahay bulshooyinka weli ku dhaqma. Wuxuu eegayaa qabiilooyin badan oo degan dunida daafaheeda kaga soo bilow Niyuu Gini (New Guinnea) ilaa Nuweerka Suudaan, ilaa kuwo Laatiin Ameerika degan. Wuxuu muujinayaa in ay jiraan wax badan oo laga korodhsan karo dhaqan-beeleedkaas oo lagu adeegsan karo dhaqankeena dawladeed sida cadaaladda isku-soo-jiidka ah (restorative justice). Waxa intaas kuu dheer oo aad ku baranaysaa dhaqamo badan oo wadar loo wadaago, haba kala duwanaadaan sida loogu dhaqmee, iyo halka ay kaga beegan yihiin nolosheena dawliga ah, haba kaga wanaagsanaato teenu toodee.
    • Bulshooyinka iyo shaqsiyaduba waxay isku noqdaan kuwo kala weyn haddana isku dhaca. Buuga Maalkom wuxuu ka sheekaynayaa sida waxa kaa weyn loo legdado isagoo tusaalaha koowaad ee buugga ka dhiganaya dagaalkii Daa’uud (NNKH) uu ku diley Jaaluud ee Quraanka iyo kutubtii horeba ku yaal. Maalkom wuxuu ka sheekaynayaa sida nusqaantaadu u tahay fursaddaada, sida mararka qaar meelaha aad xiddiga ka tahay ee yari kaagaga wanaagsan yihiin meelaha aanad xiddiga ka ahayn ee fursadda weyn leh iqk. Waa buug, sidii looga bartay Maalkom, sheeko qurxoon, dood adag iyo daliilo dhinacyo badan ka soo dhacaya kugu kulminaya.
  • What Is America? A Short History of The New World Order by Ronald WrightThe Great War for Civilization: The Conquest of The Middle East by Robert FiskThe Chomsky Reader by Noam ChomskyPedagogy of the Oppressed by Paulo Freire:
    • Buuga hore wuxuu Roonal ku suuraynayaa in dagaalka joogtada ah ee Maraykan intan dambe ku jiro ayna ahayn ceebtiisa ee ay tahay caadadii. Wuxuu muujinayaa sida dalkaasu ugu dhisan yahay dagaalka ee aanu dagaalku u ahayn dani-ku-baday. Buuga Rijadh ayaa isagu dagaalkaas iyo Bariga Dhexe sidii ay wax uga dhacayeen iyo weliba dhacdooyinka kale ee dalalkaas u gaarka ahaa muddo soddon gu’ ku siman oo uu weriye ka ahaa ka sheekaynaya. Rijadh fadhiisinkiisu wuxuu ahaa Lubnaan, isagoo dalal badan oo Carbeed, Iiraan, iyo Afgaanistaanba ka hawlgalay. Waxaad ka helaysaa sidii ay wax u dhacayeen markii Aayatulluhu qabsaday Iiraan, dagaalkii Daalibaanka iyo Ruushka, kulamadii uu Rijadh la yeeshay Usaama Bin Laadin, iyo dhacdooyin kale oo xiiso leh. Dagaalkii sokeeye ee Lubnaan in kastoo wakhtiga uu ka hadlayo uu socday, haddana wuxuu ka qoray buug kale markaa halkan marmar mooyee aad uga hadli maayo.
    • Buuga Joomiski ma aha buug iskii u taagane waa mid ururinaya gunta ay ka tolan yihiin aragtiyihiisa siyaasadeed. Wuxuu muujinayaa inkasta oo ay fududahay in aqoonyahanada dalalka Naasiga, Shuuciga, iyo Faashistahaba si dhib yar aragtidooda loogu daadafeeyo inay borobogaando tahay, in ta reer galbeedku na sidaas u tahay, laakiin la yaabku uu yahay in aan la isweydiin sida ay galbeedka uga dhacdo oo ka duwan, tusaale ahaan, sida ay Ruushka uga dhacdo (Haddii qofka Ruushku gaynayo Saybeeriya oo shaqo adag iyo cunto xumo lagu dilayo qofka (Gulag), galbeedka waxa ka jira qofka laga curyaamiyo shaqadiisa ama lagu aamusiiyo ereyo kale). Wuxuu isku ciilkaambiyaa in haddii aqoonta iyo xiisaha ay dadku u adeegsadaan jihooyinka kale, ee waliba qaarkood ayna waxba noloshooda ku soo kordhinayn (sida lafagurka ciyaaraha), ay u adeegsan lahaayeen la xisaabtanka iyo ka warhaynta masiirka umaddooda aan marnaba siyaasiyiintu haad uga heleen sida imika.
    • Aragtida Bawlo Fareere uu ku soo bandhigayo Manhajka Dulmanuhu (Pedagogy of the Oppressed) waa mid dulmaha iyo daalimka u aragta in ay wada yihiin dulmanayaan oo isku dayeysa in ay mar qudha wada xorayso. Sida uu dulmanuhu ugu baahan yahay gargaar uu dulmiga iskaga rido, ayuu daalinkuna ugu baahan yahay gargaar uu dulmiga uga koro. Sidaas darteed ayuu Bawlo isku dayayaa in maadaama wakhtigu siinayo dulmahana fursad ka fiican ka daalinka, inuu ka caawiyo dulmanaha sidii uu daalinka iyo dulmanaha ba u wada xoreyn lahaa. Waxay tani ku dhisan tahay isceshiga aragtiyaha taas oo falcelinta dulmanuhu tahay ta u dhawaynaysa daalinka iyo dulmanaha labadaba runta. Inkastoo buugani yahay kuwa ugu gaagaaban, haddana wuxuu ka mid yahay kuwa ugu qoto dheer leh.

Ugu dambayn, qiimaha akhrisku kuma jiro tirada ee waa tayada; kuma jiro intaad garatay ee waa intaad guddo; kumana jiro intaad ku xidhan tahay aragti iyo qof ee waa intaad u xalan tahay aragti iyo qof cusub. Mana arag hadal ka kooban, ugana run badan dhinaca akhriska iyo aqoonta, Aayadda 18aad ee Al-Sumar: Kuwa hadalka ay maqlaan kiisa wanaagsan ka raaca. Dhab ahaan, kuwaasi wax loogu bishaareeyo way mutaysteen.