Tags

,

بسم الله الرحمن الرحيم     

(اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ(٣) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (٤

عَلَّمَ الإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (٥

Akhrisku wuxuu ugu jiraa dadka Muslimiinta ah kaalin aan mudankeeda lasoo koobi karin. Waxaan shaki ku jirin amarkii ugu horreeyey, iyo ereygii ugu horreeyey, ee xagga Eebbe uu uga keenay Jibriil (NKHA) Nabi Maxamed (NNKHA) inuu ahaa “اقرا” oo ah (Akhri). Eebbaha Ogaalbadanaha ahi wuxuu amarkaas usoo direy addoonkiisa oo uu ku ogyahay inaanu waxba akhriyin waxna qorin. Sida lagu soo gaadhsiiyeyna ma ahayn sahal iyo dhib yari, ee waa lagu gilgiley. Sidaasna waxa ku bilowday silsilad waxyi oo socotay 23 sanno.

Ogaalbadanuhu wuxuu ogaa in amarkaas qiimihiisa adoomihiisu seegi doonaan inkastoo wakhtiga iyo sida loo soo dejiyeyba ku haboonayd. Quraanka waxa ka buuxa aayado badan oo muujinaya qiimaha akhriska iyo maan-furnaanta. Waxaa xiiso gaar ah leh in 29ka Suuradood ee ku bilaabma xuruufta googo’an (المقطعات), ee aan si rasmi ah loo aqoon waxa Eebbe ka maagan yahay, 27 ka mid ahi waxa markaaba ku xiga xuruuftaas waa tilmaan ama dhaar in waxaad akhriyaysaa yahay waxyi, kitaab, dikri, Quraan, iyo ereyo kale oo intuba qoraal iyo akhris si uun ula xidhiidhaan. Waxaad moodaa, hadda ma odhan way tahaye, sidii ereyada aynaan garanayn iyo akhriska iyo barashada xidhiidh toos ah laga dhaxaysiinayo – waa sidii la ina leeyahay oo kale wax akhrista aad ereyadan fahamtaane. Waa sidii la ina leeyahay oo kale dariiqada lagu helo wixii aanad aqoon waa akhris.

Barihii ugu weynaa ummadani, Maxamed (NNKHA), wuxuu inoo sheegay in “Murtidu (xigmadu) tahay baadida ruuxa Muslimka ah.” Intaas uun inaguma dayne, wuxuu meesha ka saaray in baadi-doonkeena aynu ku xidhno xilli iyo xayndaab masaafo maadaama uu inagu dardaaray in aynu cilmiga raadino “markaan dhalano ilaa aan ka dhimanayno” inagoo ka eegayna meel kasta “xataa Shiinahana ha noqotee.” Maanta oo ah dhalashadiisii, maxaa ka haboon in amarkiisii ugu horreeyay aan kasoo bilawno sheekadeena!

Halkan hoose waxaa ku qoran tiro kooban oo buug ah. Waa qaar ka mid ah buugtii aan akhriyey kal hore 2014kii. Waa intaan is idhi malaha way ugu xiiso badnaayeen. Waxaan kula wadaagayaa wixii aan ka xiiseeyey buugtan. Adigaana ka rogan wixii aad ka hesho…

  • Dirkii Sacmaallada by Axmed Ibraahin Cawaale. Haddaad rumaysnayd in geyiga Soomaaliyeed wixii ka sokeeya labada webi oomane weligoodba ahaayeen sidaas darteed u dhaqanayeen geela, waa markii aad akhriyi lahayd buuggan. Buuggani wuxuu cilmi baadhis qoto dheer iyo sheekaba kugu siinayaa taariikh duug ah oo inta haysaa yar tahay. Halkee Soomaalidu ka timid? Ma Carab baa? Ma Masaaridii hore ee wakhtigii Fircooniyiinta jirtey ayey kasoo jeedaan? Waa su’aalo xiiso badan laakiin doco badan loo qaadi jirey. Ilaa Waaq, wixii yiil, bal halkan…
  • Enlightenment: And Why It Still Matters by Anthony Pagden. Nuurintu (Enlightenment) wuxuu ahaa xilli ka dambaysay Baraarugii (Renaissance) oo dunida galbeedka ay ka jaanqaaday cilmi-korodhsi badan kadib markii ay haad u heleen aragtiyihii ka horreeyey. Dunida galbeedku waxay dhaxleen aqoon ay si fiican u ururiyeen, una hufeen, isla markaana wax badan ay ku kordhiyeen dawladihii Muslimiintu hoggaaminayeen. Wakhtigan wuxuu qiimo ugu leeyahay galbeedka waa iyadoo aragtiyo badan oo ay ka mid tahay xuquuqaha madaniga iyo aadamaha aad loo lafa-guray. Waxaad kula kulmaysaa bogagan, haba battaane, waa doodihii iyo sheekooyinka iyo shakhsiyadihii hoggaanka u ahaa burqadkan aqooneed ee ku fiday Yurub.
  • The House of Wisdom by Jonathan Lynons. Buuggan iyo mid la mid la magac ah oo uu qoray Jim Alkhalili waxay ka sheekaynayaan casrigii Baytul Xikma oo ahaa akadamiyad aqoonyahanada Muslimiinta ah ururinaysay wakhtiyadii Cabbaasiyiinta iyo saaamaynta ay ku yeesheen jihada iyo qaabaynta cilmiga adduunka. Waxay qeexayaan sida aqoonta casriga ah ugu deymaysan tahay aqoonyahanadii iyo masuuliyiintii Muslimiinta maadaama ay turjumeen, keydiyeen, soo gaadhsiiyeen, isla markaana cilmi-baadhisyo badan oo aan dhigooda hore loo samaynna u sameeyeen wakhtigaas oo dunidu u ayday. Waxaad bogagan ku kulmaysaan raggii ay ka mid ahaayeen Alkhawarizmi (qoray xisaabta aljabrada), AlKindi (falsafad), Ibn Siina (daaweyn), Al Idrisi (khariidaddii ugu horreysay ee saxda u dhawayd) iyo qamaamuur kale oo mid waliba ugu yaraan hal doc guul weyn ka keenay, qaar koodna doco farabadan ka lib keenay.
  • The Closing of The Muslim by Robert Reilly. Ka rogoo haddana saar. Waa markii ay joogsatay, sida qorahani ku doodayo, aqoontii Muslimiintu mayalka u hayeen. Buuggu wuxuu ka bilaabayaa dood dheerayd oo u socotay culimada Muslimiinta oo ku saabsan kaalinta caqliga iyo naqliga. Doodaas waxa soo afjaray, siduu qabo qoruhu, Abu Xaamid Al Qasaali oo ku xidhay buuggiisii “تهافت الفلاسفة” oo ah “Is-Qabad La’aanta Falsafadda.” Inkastoo mooskaa lagu soo jebiyey Muctasilada, waxa isku dayey beri dambe inuu tiiriyo Ibn Rushdi oo isaguna qoray “تهافت التهافت” oo ah “Is-Qabad La’aanta Is-Qabad La’aanta.” Ugu dambayntii, shamicii falsafada iyo saynisyada ku dhisan daliilku wuxuu ka damay Muslimiintii. Waxana uu u wareegay dunida reer galbeedka oo uu ka helay soo dhawayn diiran. Haddii markii hore reer galbeedku ka gaws qabsanayeen farsamooyinka iyo aqoonta ka hano qaaday dunida Muslimka ah, markii dambe waxay noqotay isbedel buuxa oo looga cararo aqoonta dunida reer galbeedka ah.
  • Toward A Global Civilization of Love and Tolerance by Fethullah Gulen. Fetxulla wuxuu ina barayaa siday u egtahay xaddaarad dhan oo ku dhisan jacayl iyo dulqaad. Ma aha kani kii haasaawaha. Laakiin kama madhna. Wuxuu ina barayaa jacaylka Ilaahay, Anbiyadiisa, iyo dhammaan wuxuu abuurabay u sahlayo nolosha oo dhan. Wuxuu ereyo udgoon iyo dhadhan macaan inagu siinayaa sida jacaylkaasi u ekaanayo marka lala nool yahay maalin kasta. Wuxuu ina xasuusinayaa in jacaylkaasi aanu dunidan ku cusbayn ee uu yahay kuwii rusushu inoola yimaadeen markay iyagoon dan ay ka helayaan oo kale u qarsoonayn dhambaalka Ilaahay inasoo gaadhsiinayeen. Waa buug cutubyo gaagaaban laakiin ereyo quruxdood ku dhan tahay. Waxbadan ayaanad ka faa’iidaysaa. Ma meel jacayl lagu hadalhayo ayaa lagu qadaa?
  • White Man’s Burden by William Easterly. Qorahani wuxuu magaca buugga kasoo deynsaday gabay uu tiriyey gabayaa Ingiriis ah oo magaciisa la yidhaa Rudyard Kipling. Wax badan oo buugga ku saabsan waxa soo koobaya gabayaagaa. Laakiin dulucda buuggu waa sida deeqaha caalamiga ahi u yihiin maandhayaha damiirka deeqbixiyaha ee aanay uga turjumayn baahida dadka iyo samafal dhab ah. Haddii samafalku dhab yahay waxa la hagaajin lahaa ama laga hortegi lahaa duruufaha keenaya baahida hore ee qofku gacanta hoos dhiganayo. Laakiin ma aha. Waa buug camiran oo tusaalayaasha iyo qaabayntiisuba ka dhigayso mid aanad dhulka u quudhin. Inaad la qaadato waxa ka horraysa inaad garato wuxuu sheegayo.
  • Orchard of Lost Souls by Nadifa Mohamed. Ma Nadiifo ayaa ka maqnaan liiskan oo kale? Waa buug ku saabsan haween saddex ah oo da’da, halkay nolosha kaga jiraan iyo duruufahoodu aad u kala duwan yihiin oo qadarku iskugu beegay Hargeysa oo dagaalkii ka socdo. Waxa halkaas ka dhashay sheeko xiiso leh oo saddexdoodaba xaaladooda bedeshay. U fiirso gabadha askariyadda ah ee Filsan waxay ku dambayso iyo sida uu isku bedelay aragtidii ay ka haysatay nidaamkii ay ku dhex shaqaynaysay.
  • Xadka Ridada: Maxaa Ka Run Ah? by Siciid A. Ismaaciil. Maan akhriyin buuggan. Laakiin waxaan akhriyey qormo kusoo baxday Wardheer. Waxa qof labada akhriyey ii sheegay, marka laga reebo wax aad u kooban, in buugga iyo qormadani wax badan u dhaxayn. Sidaas darteed, ka mid kood akhriyaa ka kale ka bixin karo aragti wanaagsan. Intaas ka sokow, haaah, bilaash uma ahayn buuggani ka ugu hadalhaynta badan. Si uu usoo arooriyo doodiisa ku saabsan xadka ridada, wuxuu qoraagu kula soo jibaaxayaa jid dheer oo ku saabsan sida lagu go’aamiyo waxa xad galaya iyo waxa kale, ilaha laga soo daliishado, sida loo kala saaro wixii diintu caddaysay iyo duruufaha dhaqan iyo dawladeed ee wakhtigu wato iyo qaar kale oo badan. Waxaan shaki ku jirin in qoruhu soo gudbiyey dood habaysan, hufan oo tixraacyadeeda wadata. Waxa ugu xiiso badan iyadoo buuggani noqonayo buugagga tirada yar, waaba hadday jiraane, ee aqooni ka buuxdo isla markaana aan ahayn wax la turjumay uune, ah hawl uu qabtay qoraagu. Ugu yaraan, intaas abaalkeeda waa inagu wada leeyahay qoraagu, ka sokow sax iyo qalad waxaad ku xukunto.
  • Benjamin Franklin: An American Life by Walter Isaacson. Franklin waa ninka ku sawiran $10 lacagta Maraykanka. Waxa lagu tiriyaa aasaasayaashii dawladda Maraykan. Franklin waa shakhsiyad la yaab badan oo nolosha dhinacyo badan kasoo galay. Wuxuu soo qabtay xilal ay ku jiraan Wakiilada iyo Safaarado. Wuxuu ahaa saynis yahan (cilmi baadhisaha loo tiriyo waxa ka mid ah sida danabka loo weydaariyo dhismaha). Dhanka kalena, wuxuu ahaa qoraa iyo mulkiilaha ganacsi daabacaadeed. Waa shakhsiyad la yaab badan oo laga hayo halhaysyo badan. Bal u kuurgal.
  • The Autobiography of Martin Luther King, Jr. by Clayborne Carson. Buuggan oo in badan oo ka mid ahi tahay qoraalo iyo hadalo laga qoray Martin Luther King, wuxuu si faahfaahsan uga sheekaynayaa halgankii iyo dhaqdhaqaaqii xuquuqaha madaniga ah (civil rights movement). Marnaba halgankaasi ma aha mid laga geyoodo. Laakiin, sidii uu isagu u yidhi “Cadaal-darrada ka dhacda meel uun waxay halis ku tahay cadaalad kasta meel kasta,” si la mid ah ayaan u leenahay: cadaalad-doonka meel ka jira waa cadaal-doon meel kasta lagaga jiro intii cadaalad jecel. Waa isla sababtaas taan ugu baahanahay ee xiiso u yeelaysa noloshiisa iyo buugganba.
  • Islam and The Secular State by Abdullahi Ahmed An-Na’im. Haddii ururkan buugta ah ku jiro mid aad u la yaab badan, waxaan odhan lahaa waa kan. Si ka duwan sida fikirku u badan yahay dadka Muslimiinta, wuxuu Cabdillaahi ku doodayaa isagu inuu u baahan yahay in qofka iyo Ilaahay iyaga la isku daayo oo dawladu ka dhex baxdo. Wuxuu ku doodayaa in haddii ay dawladdu yeelato aragti diimeed ay ku khasbi doonto dadka oo dhani inay si waafaqsan sidaas. Haddiiba ay soo gasho cid leh awood dhexe oo ku fulisa aragtiyaheeda diimeed dadkuna, waxa imanaysa in qofku intuu Alle dartii u samayn lahaa u sameeyo dawladdaa ku xidhi ama ciqaabi. Si sax ah ayaad u akhriday cinwaanka haddaad is tidhi dawlad cilmaani ayuu rabaa qoraagu. Ugu dambaynta, waxa lala xisaabtamayaa ma aha dawlado ee waa dad.
  • Sooyaal: Ina Cabdulle Xasan Ma Sheekh buu ahaa mise…? By Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo.” Taariikhda Sayidku waa taariikh bulshada Soomaaliyeed iniba si u fasirato. Fasirkii qaalibka ahaa wuxuu ahaa kii kacaanku ka bixiyey oo ku muunadeeyey inuu ahaa halgamaa, xaq u dirir ah, laakiin dadkiisu la garan waayeen. Barwaaqo wuxuu inoo jiidayaa dhinac kale. Wuxuu keenayaa baadhitaano hor leh oo cusub iyo waraysiyo wuxuu qaaday. Wuxuu kaa tusayaa dhinac kale oo aanad ka aqoon. Inuu saxsan yahay iyo in kale ha joogtee, yaan sheekada docdanina ku seegin.
  • Safar aan Jiho Lahayn by Siciid Jaamac Xuseen. Halkan waxa ku urursan suugaan socdaal iyo qormooyin aragtiyeed oo qoraagu isku keenay. Waayihii qoraaga soo maray oo xiise badan ayaad dhex mushaaxaysaa. Waxaad ka dhuganaysaa waa sidii dunida ahayd beri hore burburtay, iyo noloshii taalay dalka. Wuxuu kuu suuraynayaa jawigii dalku ku jirey, kii dunida yaalay iyo falgalkiisii. Waa qoraalo si farshaxan sare leh loo habeeyey oo mugga waxay xambaarsan yihiin ku darsaday qurux. Inkastood dhammaantood ka wada heli kartid qoraaladaas internet-ka, haddana meel inaad ku wada heshaa way kasii wacan tahay.
  • Credibility: How Leaders Gain and Lose It, Why People Demand It by James Kouzes and Barry Pozner. Labadan qoraa waxay fureen aragtiyihii hore ee inta badan ku wareegayey shakhsiyadda, xirfadaha iyo xaaladaha hoggaamiyeyaashu ku kala haboon yihiin. Halbeegga dhabta ah ee hoggaaminta wuxuu buuggani ka dhigayaa sida uu ugu yahay hoggaamiyuhu kuwa raacaya “looga-qaateen.” Taasi waxay ku ajburinaysaa inuu hoggaamiyuhu noqdo tusaalaha ugu wanaagsan ee nool.
  • Inferno by Dan Brown. Buuggani wuxuu igaga soo beegmay kala guurka sannadkii hore iyo kan. Sidaas darteed, weli ma gebagebayn. Waanse ka ooli kari waayey inaan idinla wadaago. Sida caadada u ah Dan, wuxuu ku salaysan yahay sheeko male awaal ah iyo deegaan iyo arrimo badan oo run ahaan u jira. Waa milan male-awaalka iyo xaqiiqdu isku dhafan yihiin. Laakiin waa milan fudud kala saaristiisu. Sababta oo ah waxa male-awaal ahiba waa dadka jilaya, iyo arrimaha iyaga haysta. Laakiin wuxuu ka sheegayo farshaxanka, dhulka iyo arrimaha kale ee sheekada ku jiraa waa arrimo sidooda u jira oo dhab ah. Buuggani wuxuu magaca kasoo deynsaday gabay uu qoray Dante Alighieri oo ahaa Talyaani degan magaalada sheekadani buuggu ku salaysan tahay oo ah Florence. Gabaygaas Inferno waa qayb ka yahay saddex gabay oo dhaadheer oo la isku yidhaa Divine Comedy. Inferno waa gabay uu u tiriyey si uu ugu suureeyo sida cadaabtu u egtahay dadka. Wuxuu gabaygaas aad usoo jiitay dadkii wakhtigaas iyadoo farshaxano badani sawir ku dhigeen ereyadii Dante. Buuggani waxaas oo dhan ayuu taabanayaa. Laakiin qisadiisu waxay ku saabsan cabsi laga qabo in dadku ka bato inta dunidu qaadi karto. Koox ayaa markaa waxay u guntanayaan sidii dad-dhimis baahsan loo samayn lahaa. Haddeedna waa sidii aad uga baratay Dan Brown haddii aad akhrisan jirtaye, waa dhacdooyin aan kala joogsan lahayn…
  • Dhaxalreeb on Dr. Jawhar compiled by Jama Mussa Jama. Halkan wuxuu Jaamac inoogu ururiyey qoraaladdii ugu cuddoonaa Dr. Jawhar (AUN). Waxa ka buuxa qormooyin xiiso badan oo duruufo kala duwan kusoo baxay. Kuwa ugu xiiso badan waxa ka mid ah Tribal Psychology iyo The Gadabuursi Manifesto. Kan dambe waxa uu kula talinayaa Madaxweyne Rayaale wakhti xasaasiyad badan dalka ka taagan tahay in tolkii iyo dalka uu wada arko xaamilo iyo ilmihii ay siday: wixii umusha u dan ah ayaa ilmaha u dan ah. Talooyinka noocan ah, inkastoo laga yaabo inay u dhacaan si qarsoodi ah, inay kusoo baxaan qoraal iyadoon laga xishoon marka loogu hiilinayo xaq, gar, danta guud IWM waa waxyaabaha aan ugu baahi badanahay. Inta Manifeesto kale soo baxayso, bal aan nafta ku sabno taa Gadabuursi.
  • How Will You Measure Your Life by Clayton Christensen, James Allworth, and Karen Dillon. Casrigan uu hadheeyey damaca iyo jeeb-kale-eeggu, waxa fudud in qofku ka lumiyo miisaanka. Haddii miisaanku lumana, maaweelada ayaa mudanta badasha. Buuggan wuxuu inagu baraarujinayaa mudanteena, inkastoo la kala mudan duwan yahay. Waxase uu xiiso gaar ah ku leeyahay sida aragtiyo badan oo ganacsiga iyo maamulka lagu barto uu ugu dabaqayo nolosha qofka iyo qoyskaba. Buuggan waxa ka maqan digniin dadka laga siiyo in uu iska jiro qofku hadduu bilaabo ma dhigi karee…
  • What I Believe by Tariq Ramadan. Buuggani waa mid Taariq Ramadaan ugu qeexayo inuu yahay qof Muslim ah oo reer Yurub ah isla markaana aanu u baahnayn midkoodna inuu ka tanaasulo si uu ka kale u raaligeliyo. Waa mid uu ku cadaynayo mabda’yada uu aamiinsan yahay oo inta badan eed uga soo jiida labada dhinacba iyadoo dhinac waliba tebayo inaanu ugu fadalo cadayn dhankooda sidii asalka ahayd. Halkaas waxa kaaga soo baxaya shakhsiyad xuduudo badan iskaga tallaabaysa.
  • Halgan iyo Hagardaamo by Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed kuma aha caan inay buug ka qoraan noloshooda iyo taariikhda ay la martay mihnadoodu. Ku dhiirashadaas Cabdillaahi waa mid looga baahan yahay mid kasta. Waxa buuggani ku jibaaxinayaa xasuustiisa iyo intuu soo heli karayey laga bilaabo yaraan, oo weliba u badan intii uu askariga ahaa ilaa laga soo gaadhayo madaxweynenimadiisii. Waxaad u dhacaysaa waa maskaxdii iyo sheekooyinkii soo maray mid ka mid ah shakhsiyadaha aadka loogu murmo Soomaalida dhexdeeda doorkooda siyaasadeed inuu tognaa iyo inuu tabnaa.
  • On Liberty by John Stuart Mill. John waxa lagu sheegaa inuu ka mid yahay aqoonyahan saamayn badan ku leh aragtida reer galbeedka xoogga saarta shaqsiga “individuality” iyo aragtiyaha libaraaliga (liberal thoughts) ah. Buuggan wuxuu in badan kaga hadlayaa kala xadaynta xoriyadda qofka iyo xukunka awooda dhexe. Waa falsafad muggeeda leh. Akhriskiisuna, aan kaaga sii digee, ma aha caano aanad ku marganayn. Laakiin wuu u qalmaa dedaalkaag geliso.
  • Zealot: The Life and Time of Jesus of Nazareth by Reza Aslan. Reza Aslan waa aqoonyahan degan Maraykanka oo wax ka dhiga Jaamacadda Kalifoorniya. Buuggan wuxuu kaga hadlayaa sidii Ciise (NKHA) uu ahaa qof ugu mayal-adag diintiisa, sidaas darteedna iskaga horyimaadeen kuwii midida daabkeeda hayey. Wuxuu buuggani af-kala-qaad ku noqday dad badan, haka mid ahaadaan Foxnews, in aqoonyahan Muslim ahi ku sheego Ciise (NKHA) “mayal-adayg.” Buuggan waxa ku xiiso gelinaya qaab nololeedkii wakhtigaas jirey markaad daalacato ee aad weliba ku eegtid sida qofka xaqqa sheegaya kuwa awooda lihi ugu baxshaan magacyada xagjir, mayal-adag, IWM. Kolba awoodu dhankay jirto iyo ayuu ereyguna xigaa.
  • On Writing: A Memoir of The Craft by Stephen King. Waa buug qaali ah. Haddii aad tafaasiishiisa rabtid, riix halkan. Haddiise aad sugi kari la’dahay, waxaan kuu hayaa laba talo oo buuggani ku nuuxnuuxsaday ciddii rabta inay qoraa wanaagsan noqoto: akhris badan iyo qoraal badan.

Intaas ayaa ka mid ahaa wixii kal hore isoo maray. Bal xagaagana…